Muddada loo qabtay kenyaanka inay ku cusbooneysiiyaan macluumaadkooda oo maanta ku eg

0
833

Waxaa ay maanta ku egtahay muddadii maamulka isgaarsiinta dalka ee Communication Authoriy uu u qabtay shacabka si ay u xaqiijiyaan macluumaadka ku diiwaangashan nambarrada ay ku isticmaalaan taleefoonada gacanta.
Maamulka oo amarkan maalmo ka hor soo saaray ayaa wacad ku maray in wixii maanta ka dambeeyay isticmaalka leemanka laga xiri doono shakhsiyaadka aan arrintan u hoggaansamin.
Go’aankan oo walaac badan dhaliyay ayuu madaxa maamulka isgaarsiinta ee wadanka Ezra Chiloba sheegay in looga gol-leeyahay in lagula tacaalo falal dambiyeedyada.
Waxaa uu sheegay in barnaamijkan uunan ahayn isdiiwaangelin cusub balse cusbooneysiin.
Chiloba ayaa intaasi ku daray in si qofka uu u xaqiijiyo nambarrada ku diiwaangashan aqoonsigiisa qaran oo uu isaga xiro haddii ay jiraan nambarro uunan garanayn laga doonaya in isagoo isticmaalaya taleefoonkiisa gacanta uu garaaco *106#.