Midowga Yurub ayaa dowladda Kenya ugu deeqay lacag dhan 6.5 bilyan oo shilin oo loo adeegsanaya mashaariicda dhanka biyaha.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday madaxa fulinta ee sanduuqa Water Sector Trust Fund Ismaaciil Fahmy Shaiye.
Shaiye ayaa hoosta ka xarriiqay in lacagtan loo qaybinayo dhammaan shirkadaha bixiya adeegyada biyaha ee dalka si mashaariic looga fuliyo si gaar ah tuulooyinka inta badan ay ka jirto biyo yarida.
Sidoo kale mashaariicdan ayaa la fulin doonaa iyada oo la kaashanayo hoggaamiyaasha ismaamullada dalka.
Waxaa uu qorshuhu yahay in waaxda biyaha ay shirkadaha siiso boqolkiiba 87 dhaqalaha loo baahan yahay in lagu fuliyo mashariicdan halka dowladaha ismaamullada ay ku kabi doonaan boqolkiiba 13 ee dhaqalaha haray.