Maraykanka oo 800 oo milyan ugu deeqaya Ukraine

0
497

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in maamulkiisa uu dowladda Ukraine siinaya taageero militari oo dheeraad ah taasoo dhan 800 oo milyan oo doolar.
Gurmadkan ayaa Ukraine ka caawin doono inay iska difaacdo duullaan hor leh oo la filaya in Ruushka uu ka gaysto bariga wadankaasi.
Joe Biden ayaa ka dib markii uu khadka taleefoonka kula xiriiray dhigiisa Ukraine Volodymyr Zelenskyy sheegay in gurmadka ay dalkaasi gaarsiinayaan uu isugu jiro hannaanka gantaallada , diyaarado dagaal iyo waxyaabo kale.
Deeqdan ayaa ku soo beegantay ka dib markii madaxweyne Zelenskyy uu Maraykanka iyo hoggaamiyaasha reer galbeedka uu weydiistay taageero dhanka hubka culus ah si dalkiisa uu isaga difaaco Ruushka.