Xoghayaha guud ee dalladda ururrada shaqaalaha ee COTU ,Francis Atwoli ayaa soo jeediyay in madaxda ururrada shaqaalaha ay fursad u helaan in loo soo doorto xilalka xildhibaananimo iyagoo aan xisbi siyaasadeed ka sugin inuu magacaabo si ay baarlamaanka ugu biiraan.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli kulan ka dhacay magaalada Nairobi ay ururrada shaqaalaha ee dalka taageero ugu muujiyeen musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio Raila Odinga.
Xoghayaha guud ee COTU ayaa Mr. Odinga ka codsaday in haddii uu hoggaanka wadanka qabto uu soo jeedintiisa tixgeliyo.
Waxaa uu Atwoli ku celceliyay in madaxda ururrada shaqaalaha ay u baahan yihiin in looga codeeyo qaar ka mid ah deegaan baarlamaneedyada wadanka
Waxaa uu horay u sheegay inay jiraan dhinacyo ku dadaalaya in shaqaalaha aynan matalaad ku lahaan golayaasha xeer dejinta.
Xoghayihii hore ee ururka qaran ee macallimiinta ee KNUT Wilson Sossion ayaa baarlamaanka ku biiray ka dib markii uu soo magacaabay xisbiga ODM halka guddoomiyaha ururka macallimiinta ee KUPPET Omboko Milemba iyo ku xigeenka qasnad hayaha qaran ee ururkan Ronald Tonui ay 2017-kii ku guulaysteen xilalka xildhibaananimo ee deegaannada Emuhaya iyo bartamaha Bomet .
Mas’uuliyiintan ayaa cadaadis lagu saaray inay iska casilaan xilalka ay ka hayaan waaxyaha shaqaalaha.
Hasa ahaate xoghayaha guud ee COTU ,Franacis Atwoli ayaa tani ka soo horjeestay isagoo sheegay in mas’uuliyiin horay u soo hoggaamiyay ururrada shaqaalaha ee wadanka sida Tom Mboya, Dennis Akumu, Fred Kubai iyo Juma Boy ay ku biireen baarlamaanka iyagoo weli shaqaalaha dalka u adeegaya.
Home Wararka Kenya Francis Atwoli oo doonaya in mas’uuliyiinta ururrada shaqaalaha loo doorto xilalka hoggaanka