Waxaa maanta heshiis wada shaqeyn ah saxiixday xisbiyada siyaasadeed ee ka tirsan isbeheysiga Kenya Kwanza oo gaaraya 12.
Kulanka oo ka dhacay xaafadda Karen ee magaalada Nairobi ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto, hoggaamiyaha ANC Musalia Mudavadi iyo dhigiisa Ford-Kenya Moses Wetangula.
Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa carrabka ku dhuftay in qofka mas’uulka ah laga doonayo inuu ka soo baxo ballanqaadkiisa.
Waxaa uu tilmaamay in musuqmaasuqa ugu wayn uu yahay kalsoonida ay shacabka u muujiyaan hoggaamiyaha oo aan la ilaalin.
Senatarka ismaamulka Tharaka Nithi Kithure Kindiki ayaa sheegay in heshiiskan loo gudbin doono diiwaangeliyaha xisbiyada wadanka.
Xildhibaanka deegaanka Mathira ee ismaamulka Nyeri Rigathi Gachagua ayaa xusay in heshiiska maanta la gaaray uu Kenya u horseedaya bog cusub oo hoggaan mas’uuliyad ku dhisan.