Barasaabka Machakos oo baaq u diray mas’uuliyiinta isbeheysiga OKA

0
633

Guddoomiyaha ismaamulka Machakos Dr. Alfred Mutua ayaa arrin lala yaabo ku tilmaamay bayaan uu shalay soo saaray isbeheysiga OKA oo ay uga soo horjeedaan diiwaangelinta dalladda Azimio-One Kenya.
Qoraal uu Mutua soo dhigay bartiisa rasmiga ee Facebook-ga ayuu ku sheegay in OKA ay khaldan tahay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in aan la joogin xilligii kala qaybsanaan la abuuri lahaa .
Mutua ayaa sheegay in sababta ay u midoobeen isbeheysiyada Azimio iyo OKA ay ahayd mideynta shacabka si loo dardargeliyo horumarka dhaqaale ee wadanka sidaas awgeedna midnimada xisbiyada siyaasadeed ay aad muhiim u tahay.
Waxaa uu ku celceliyay inaysan marnaba hilmaamin inay guul raadinayaan oo siyaasad ahaana tirada ay muhiim tahay.
Guddoomiyaha Machakos ayaa madaxda isbeheysiga OKA kula taliyay inay soo dhaweeyaan in ka badan 20 xisbi oo ka tirsan Azimio.