Xisbiga Wiper oo Mike Sonko U fasaxay inuu u tartamo xilka Barasaabnimo ee Mombasa

0
722

Mike Sonko, gudoomiyihii hore ee magaala madaxda ee dalka Nairobi, ayaa sameynaaya dib u soo kabasho siyaasadeed, isaga oo u hanqal taagaya xilka gudoomiyaha ee ismaamulka Mombasa.
Magaca Sonko ayaa waxaa guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC u gudbiyay Kalonzo Musyoka oo hogaamiyo xisbiga Wiper.
Mr Sonko ayaana ka mid noqday siyaasiyiinta loo fasaxay inay u tartamaan doorashada hordhaca ah ee xisbiga Wiper si uu xisbigaas uu soo saaro hal musharax oo ku matalaa kursiga barasaabnimo ee Mombasa.
Bishii December ee sanadkii 2020-kii ayay ahayd markii Mike Sonko, ay aqalka baarlamaanka hoose ee ismaamulka Nairobi ka xayuubiyeen jagadii uu hayay ka dib markii lagu eedeeyay arrimo musuqmaasuq ah.
Sonko ayaa waxaa tikidhka xisbiga Wiper kula dhagan xildhibaanka Kisauni Ali Mbogo balse waxaa ay ku kala bixi doonaan doorasho hordhac ah oo loo qabtaa labadaas musharax.
Loolanka loogu jiro xilka ugu sareeya ee Mombasa, ayaa waxaa uu ka dhaxeeya senetarkii hore ee Mombasa Hassan Omar, oo ku tartami doona tigidhka xisbiga UDA iyo sidoo kale xildhibaanka Mvita Abdulswamad Sharif Nassir, iyo Suleiman Shabal, oo doonaya tigidhka xisbiga ODM.
Bishii Maarso ee sanadkan, ayay ahayd markii ay dowladda dalka ka mamnuucday Mareykanka Sonko iyo qoyskiisa sababo la xiriira eedeymo musuqmaasuq iyo ku takrifal xafiiseed.