Dowlada dhexe oo balan qaad u sameysay qoysaaska saboolka ah

0
663

Dawladda dhexe ee dalka ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonto bixinta lacag dhan 547 milyan labadii biloodba mar si ay uga faa’idaystaan ismaamulada oomanaha ah oo ay ku noolyihiin qoysaska saboolka iyo kuwa nugul .
Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha,Jinsiga iyo barnaamijyada gaarka ah Prof. Margaret Kobia ayaa sheegtay in.274 milyan bishiba la siin doono qoysaska nugul iyadoo loo sii marinayo Barnaamijka Badbaadada Gaajada ee Maamulka Maareynta Abaaraha ee Qaranka (HSNP).
Lacagtan waxay gaari doonta 100,800 qoys oo ku kala nool afarta ismaamul ee oomanaha ah sida Turkana, Marsabit, Mandera iyo Wajeer .
Mid kasto oo ka mid ah qoysaskaas ayaa helaya Ksh.5,400 labadii biloodba mar .
Prof. Kobia ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dhamaadka todobaadkan ay sido kale lacago heli doonaan qoysaska ay abaarta saamaysay.
Sido kale dowlada dhexe ee dalka ayaa sheegtay inay sii wadi doonta gargaarka bixinta cunooyiinka maadaama wali qeybo ka mid ah dalka laga dareemayo abaaro daran.