Maamulka isgaarsiinta oo sheegay in cusbooneysiinta kaararka aynan xiriir la lahayn doorashada

0
598

Agaasimaha guud ee maamulka dowladda dhexe u qaabilsan dhinaca isgaarsiinta Ezra Chiloba ayaa sheegay inuusan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeya cusbooneysiinta kaararka lagu isticmaalo taleefoonnada gacanta iyo doorashada guud ee bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Chiloba ayaa wacad ku maray in cidii aan amarkan u hoggaansamin laga xiraya isticmaalka nambarka taleefoonka marka la gaaro 15-ka bishan Afaraad oo ku beegan Jimcada soo socoto.
Waxaa uu agaasimaha guud ee maamulka isgaarsiinta wadanka hoosta ka xarriiqay in barnaamijkan lagu bartilmaameedsanaya dadka isticmaalaya leen aan aqoonsigooda ku diiwaan gashanayn.
Cid kasta oo doonaysa inay ogaato nambarrada ku diiwaan gashan kibaandhaheeda ama aqoonsigeeda qaran waxay garaaci kartaa *106#.
Waxaa uu Chiloba intaasi ku daray inaysan qasab ahayn inaad adiga tagto xarunta shirkadda isgaarsiinta haddii aan laga fuursan karin mooye.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in xeerarka aynan qofka macaamiilka ah qasab uga dhigayn inuu gudbiyo sawirkiisa marka loo cusbooneysiinaya macluumaadka nambarka taleefoonka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo shacabka ay safar dhaadheer ugu jiraan inay xarumaha shirkadaha isgaarsiinta ka cusbooneysiiyaan macluumaadkooda si uunan wakhtigu ugu dhicin.
In kastoo arrintan ay gudaha wadanka jahawareer ka abuurtay haddana agaasimaha guud ee maamulka isgaarsiinta ee Communication Authority ayaa sheegaya in howshan aynan ahayn diiwaangelin cusub.
Waxaa uu ku tilmaamay geeddisocod shirkadaha isgaarsiinta iyo macaamiishooda fursad u siinaya inay xaqiijiyaan xogaha diiwaangelinta si uu meesha uga baxo gaabadka dhanka dokumeentiyada.
Ezra Chiloba ayaa qeexay in sharcinnimada barnaamijkan la dejiyay sanadkii 2015-kii ujeeddada laga leeyahayna ay tahay badbaadinta macaamiisha isticmaala adeegyada isgaarsiinta.
Dembiyada la doonayo in arrintan lagula tacaalo waxaa ka mid ah khiyaanada maaliyadeed , afduubka,argagixisada iyo falalka la xiriira ee qaab isgaarsiineed lagu fuliyo.
Mr. Chiloba ayaa cadeeyay in hadii qofka uu isticmaalaya nambar taleefoon oo aan ku diiwaangashanayn aqoonsigiisa qaran laga doonaya inuu u tago saraakiisha diiwaangelinta si diiwaangelin cusub loogu sameeyo.
Agaasimaha maareynta khatarrada ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom Nicholas Mulila ayaa dhankiisa sheegay in keliya la oran karo qofka waa uu u hoggaansamay amarkan marka uu si buuxda u gudbiyo dhammaan dokumeentiyada laga doonayo.
Waxaa uu difaacay sababta ay sawiro uga qaadayaan macaamiisha cusbooneysiinayaan macluumaadkooda in kastoo uunan tani dalbadan maamulka isgaarsiinta wadanka.
Nicholas ayaa go’aankooda ku aaneeyay ilaalinta aqoonsiga iyo kheyraadka macaamiisha.
Mr.Mulila ayaa xusay in ilaa iyo hadda shirkadda Safaricom ay boqolkiiba 65 u hoggaansantay amarka dowladda.
Madaxa fulinta ee shirkadda isgaarsiinta ee Telkom, Mugo Kibati iyo dhigiisa Airtel ayaa sheegay inay sawirro ka qaadayeen keliya aqoonsiyada qaran ee macaamiisha.
Macaamiisha isticmaala nambarrada shirkadaha Telkom iyo Airtel iyagana waxay adeegsan karaan qaabka*106# si ay xogahooda u cusbooneysiiyaan.
Dhanka kale agaasimaha dhinaca leesimada , u hoggaansanka xeerarka iyo nidaamyada ee maamulka isgaarsiinta wadanka Matano Ndaro, ayaa sheegay in aan qaab waratinnimo looga ganacsan karin leemanka lagu isticmaalo taleefoonada gacanta.
Waxaa uu xusay in leemanka lagu iibin karo keliya meelo gaar ah oo loo asteeyay.