Shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ayaa faahfaahin ka bixisay qaabka kenyaanka ay u cusbooneysiin karaan macluumaadka ay horay isku diiwaangeliyeen.
Leyla Yuusuf oo ka mid ah howlwadeenada shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom oo maanta marti ku ahayd barnaamij gaar ah oo maanta ay qabatay warbaahinta Star ayaa arrintan ka hadashay.
Sidoo kale waxay sharraxday meelaha uu qofka ka heli karo adeeggan iyo ujeeddada laga leeyahay geeddisocodkan dad badan walaaca ku beeray.




