Wakiillada golayaasha hoose ee 16 ka mid ah ismaamullada wadanka ayaa maanta codkooda ku taageeray hindise sharciyeedka BBI .
Tani ayaa tirada guud ee dowlad deegaannada ilaa iyo hadda meel mariyay qorshaha ku aaddan in wadanka ay ka dhacdo afti dastuuri ah ka dhigaysa 28.
Golayaasha deegaanada ee maanta ansixiyay hindisaha BBI waxaa ka mid ah ismaamullada Kakamega, Narok, Nakuru ,Mombasa , Makueni, Nyamira, Taita Taveta, Kitui, Bungoma, Murang’a, Machakos, Lamu ,Nyeri, Nyandarua, Kirinyaga, iyo Gaarisa.
Waxay micnaheedu tahay in la helay in ka badan tiradii sharci ahaan loo baahnaa ee ahayd ugu yaraan 24 ismaamul oo ka mid ah 47-da dowlad deegaan ee ay Kenya ka kooban tahay.
Hindisaha sharci beddelka ee la doonaya in wax looga beddelo xeerarka wadanka ee BBI ayaa haatan loo gudbinaya labada aqal ee dalka si ay uga fiirsadaan kaddibna loo aado afti qaran .
Dhawaan ayay ahayd markii hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga u muujiyey kalsooni ah in 24 dowlad deegaan ay maanta ansaxin doonaan hindise sharciyeedka BBI ee la doonaya in wax looga beddelo xeerarka wadanka.
Waxaa uu sidoo kale ugu yeeray kuwa ka soo horjeeda geddisocodkan in aysan beddelin mowqifkooda.
Waxaa uu xusay inay tahay xaquuq dimuqradiyadeed in la kala aragti duwanaado.
Waxaa ilaa iyo hadda geddisocdokan ka soo horjeystay wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Baringo in kastoo dacwad arrinkaan looga soo horjeedo maxkamadda loo gudbiyay
Maadaama wakiillada 10 gole oo dheeraad ah ay hindisaha BBI ka doodayaan galinka dambe ee maanta waxaa la filayaa in tirada hadda ah 28 dowlad deegaan ay sii kororto.
Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Mr. Justin Muturi ayaa horay u sheegay in meel marinta BBI ay qaadan karto ugu badnaan saddex toddobaad.
Marka ay u codeyaan xubnaha baarlamaanka iyo aqalka sare , guddoomiyaasha golayaashan ayaa wargelinaya madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta si uu qalinka ugu duugo.
Madaxweynaha dalka ayaa ka dib marka loo gudbiyo, hadii uu ku qanco waxaa uu farriin ku saabsan qabashada afti dastuuri ah u dirayaa guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC.
In kastoo uu qorshuhu yahay in aftida wax looga beddelaya dastuurka dalka ay dhacdo bisha lixaad ee sanadkan , guddiga IEBC ayaa sharci ahaan haysto saddex bilood oo uu afti ku qabanaya laga billaabo xilliga uu helo farriinta madaxweynaha dalka.