DHAGEYSO:4 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Tharaka Nithi

0
649

Shil xalay fiidkii ka dhacay buundada Nithi ee wadada weyn ee u dhexeyso ismaamullada Meru iyo Nairobi dhanka ismaamulka Tharaka Nithi ayaa waxaa ku dhintay 5 qof halka ay dhaawacyo soo gaareen afar qof.
Waxaa uu shilku u dhexeyay gaari xamuul ah iyo baabuur ah nooca dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda.
Madaxa kooxda badbaadinta ee ismaamulka Tharaka Nithi Alex Mugambi ayaa sheegay in kaliya hal rakaab ah oo saarnaa gaariga mataatuuda uu ka badbaaday shilka.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in saddex qof iyo darawalkii kaxeynayay baabuurka xamuulka ay dhaawacyo culus soo gaareen waxaana haatan lagu daabiibaya isbitaalka degmada Chuka.
Milkiilaha mid ka mid ah baabuurta shilka galay ayaa warbaahinta la wadaagay dareenkiisa