Raila Odinga oo xalliyay xasarad ka dhex jirtay isbeheysiga Azimio-One Kenya

0
592

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa qaaday tallaabo uu xal ugu raadinayo xasarad la sheegay inay ka dhex taagnayd isbeheysiga uu hoggaamiyo ee Azimio La Umoja-One Kenya coalition.
Tani ayaa timid ka dib markii 8 ka mid ah ugu yaraan 20 xisbi oo isbeheysigan ku midoobay ay sheegeen inay tabashooyin qabaan.
Raila Odinga ayaa kulan la qaatay madax uu ka mid yahay hoggaamiyaha xisbiga Maendeleo Chap Chap ahna barasaabka ismaamulka Machakos Alfred Mutua.
Ka dib markii uu kulanka soo idlaaday ayuu afhayeenka ololaha madaxweynenimo ee Raila Odinga , Prof. Makau Mutua warbaahinta u sheegay in la kordhiyay xubnaha golaha sare ee isbeheysigan oo laga dhigay 11.
Mutua ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay in xisbiyada ka wada tirsan isbeheysiga Azimio-One Kenya ay ku heshiiyeen in musharraxiinta xisbi gaar ah aan loo xirin deegaano ay keligood ka tartami karaan.
Sidoo kale xisbiyada kala duwan ee dalladdan siyaasadeed hoos tago ayaa qayb ka noqon doono soo xulashada cidda ku xigeen u noqonaysa Mr. Odinga oo doonaya in bisha Siddeedaad ee sanadkan uu markii shanaad u tartamo hoggaanka ugu sarreeya wadanka.