Talyaaniga oo ka hadlay safiir looga dilay DRC

0
401

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Talyaaniga Luigi Di Maio ayaa muujiyay sida uu kaga xun yahay falkii lagu dilay safiirkii Talyaaniga ee Jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC Luca Attanasio iyo howlwadeenada kale.
Wasiirka ayaa isaga baxay shir ka socday magaalada Brussels ee dalka Belgium oo ay yeelanayeen dowladaha xubnaha ka ah midowga yurub.
Shalay ayay ahayd markii weerar gaadmo ah lagu dilay safiirka.
Waxaa sidoo kale weerarkaasi lagu dilay sarkaal boolis iyo darawal.
Falkan ayaa lala bartilmaameedsaday kolonyo baabuur ah oo ay leedahay qaramada midoobay kuwaasoo marayay bartamaha DRC
Wafdiga oo ay ka mid ahayd danjiraha Talyaaniga ee Congo ayaa u socday magaalada Goma si ay u booqdaan dugsi ay hay’adda WFP ka waddo mashruuc dhanka cunnada ah.
Wararka ayaa intaa ku daraya inuu jiro dhaawac dhowr qof ah .
Guddoomiyaha gobolka waqooyiga Kivu Carly Nzanzu ayaa warbaahinta Aljazeeera u sheegay in kolonyada baabuurta aynan ilaalo wehelin.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here