Wasiirka maaliyadda oo maanta baarlamaanka u gudbinaya miisaaniyadda dalka

0
604

Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta howlaha qaranka Ukur Yatani ayaa maanta baarlamaanka hor geyn doono miisaaniyad sanadeedka 2022-2023-ka oo dhan 3.3 tiriloyoon oo shilin.
Wasaaradda ayaa xoogga saartay dib u soo noleynta dhaqaalaha wadanka ka dib saameyntii uu ku yeeshay caabuqa corona.
Sidoo kale waxaa dhaqaale badan loo qoondeynaya dhameystirka mashaariicda horumarineed ee qaybta ka ah qorshayaasha ugu waawayn ee maamulka Jubilee.
Wasaradda maaliyadda ayaa soo jeedisay in wasaaradda tacliinta lagu wareejiyo lacag dhan 525 bilyan oo shilin.
Hadii ay xildhibaannada ansaxiyaan , wasaaradda tamarta ee dalka ayaa heli doonto miisaaniyad gaaraysa 85.1 bilyan halka midda batroolka iyo macdanta la siinaya 9.3 bilyan.
Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka waxaa haddii ay meel marto lagu wareejinaya 203 bilyan oo shilin, difaaca waa 157 bilyan halka waaxda sirdoonka loogu talagalay miisaaniyad dhan 45 bilyan.