Maxkamadda ugu sarreysa Pakistan oo go’aan ka soo saaraysa dacwado ka dhan Imran Khan

0
362

Maxkamadda ugu sarreysa wadanka Pakistan ayaa la filayaa inay go’aan ka soo saarto dacwado loo gudbiyay kuwaasoo looga soo horjeedo sharcinnimada go’aankii uu ra’iisul wasaaraha dalkaasi Imran Khan ku kala diray baarlamaanka sidoo kalena uu xilli hore doorasho ugu dhawaaqay.
Maxkamadda ayaa tan iyo Isniintii dhageysanaysay doodaha qareenada Khan iyo dhinacyada kale.
Hasa ahaate go’aan lagu waday inay shalay shaaciso ayay dib u dhigtay.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo madaxweynaha Pakistan Arif Alvi uu guddiga doorashooyinka ka dalbaday inuu ku dhawaaqo taariikhda ay dhacaysa doorashada guud.
Warqad ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dalkaasi ayaa lagu sheegay in marka baarlamaanka la kala diro ay qasab tahay in doorasho ay dhacdo 90 cisho.
Shalay ayay ahayd markii guddiga doorashooyinka ee Pakistan ee ECP uu sheegay inuusan doorasho cusub ku qaban karin saddex bilood gudahood.
Axadii ayay ahayd markii baarlamaanka wadankaasi la jebiyay ka dib cod ay xildhibaanada kalsoonida kala laabanayeen ra’iisul wasaare Imran Khan taasoo Pakistan u horseedday caqabad dastuuri ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here