Wasiirka arrimaha gudaha oo siyaasiyiinta uga digay inay dhallinyarada u adeegsadaan rabshadaha

0
668

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr.Fred Matiangi ayaa siyaasiyiinta uga digay jeedinta hadallada keeni karo kicin dadweyne.
Waxaa uu ku boorriyay inay xaqiijiyaan in ololahooda siyaasadeed uu noqdo mid ka madax bannaan rabshad.
Matiangi ayaa carrabka ku adkeeyay in musharrax kasta oo xaq dastuuri ah u leeyahay inuu qorshihiisa ka dhaadhiciyo dadweynaha balse aan marnaba loo dul qaadan doonin siyaasadda sida uu hadalka u dhigay dib u dhac u horseedaysa wadanka.
Wasiirka ayaa digniin gaar ah u diray dhallinyarada isagoo hoosta ka xarriiqay in hadda siyaasiyiinta ay dhaqan ka dhigteen abaabulka kooxaha kala duwan ee da’yarta.
Waxaa uu intaasi ku daray inay jiraan dhinacyo kala duwan oo ay siyaasiyiinta lacago siiyaan si la isaga hor keeno oo qalalaase loo abuuro.