Xafiiska hanti dhowraha qaranka ayaa sheegay in dowladaha ismaamullada aynan weli bixin daymo dhan 152.5 bilyan oo shilin oo lagu yeeshay.
Hanti dhowraha guud ee Kenya ,Nancy Gathungu ayaa arrintan shaaca ka qaadday xilli ay ka qayb gashay kulan u dhexeyay dowladda dhexe iyo ismaamullada oo looga hadlayay miisaaniyadda dhaqaale.
Kulankaasi oo uu soo qaban qaabiyay golaha (IBEC) ayaa waxaa shir guddoominayay madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Hasa ahaate guddoomiye ku xigeenka golaha barasaabyada ee CoGĀ James Ongwae ayaa sheegay in miisaaniyad sanadeedka 2021-2022-ka ay dowladda dhexe ka heleen lacag dhan 221.6 bilyan in kastoo loo qoondeeyay 370 bilyan oo shilin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo labo bilood keliya ay naga xigto sanad maaliyadeedka kale.
Hanti dhowraha qaranka waxay intaasi ku dartay in golayaasha hoose ee ismaamullada lagu leeyahay deymo dhan 2.9 bilyan oo shilin.
The National Treasury and the Attorney General must now consult so that a way forward is established on the Sh108 billion ineligible pending bills. pic.twitter.com/xPtyFHj89c
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) April 5, 2022