Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyeeyay geerida xildhibaanka Juja

Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyeeyay geerida xildhibaanka Juja

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray qoyska , ehellada , asxaabta iyo shacabka deegaanka Juja ee ismaamulka Kiambu ka dib geeridii ku timid xildhibaan Francis Munyua Waititu oo baarlamaanka ku matalayay.
Geerida mudanaha waxaa warbaahinta u xaqiijiyay xubno ka mid ah qoyskiisa.
Wararka ayaa intaa ku daraya in xildhibaanka uu xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ka dib markii uu haleelay nooca cudurka kansarka ee saameeya maskaxda.
Mr. Kenyatta ayaa farriin uu soo saaray ku sheegay in Francis Waititu uu ahaa mas’uul si daacadnimo ay ku dheehan tahay ugu adeegayay dadkiisa.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in xildhibaanka uu ahaa qof lagu kalsoonaan karo oo ay ka go’anayd ka shaqeynta danaha muwaadiniinta uu matalayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments