Eedeysanayaal loo haysto inay dhagaxeeyeen diyaaradii Raila oo xabsi ku sii jiraya

0
443

Waxaa muddo toddobo cisho oo dheeraad ah xabsiga ku sii jiri doono 17 eedeysanayaal ah oo lala xiriirinaya dhacdo Jimcihii la soo dhaafay dhagaxaan lagu weeraray diyaarad sidday musharraxa madaxweynenimo ee isbeheysiga Azimio La Umoja ahna madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Ciidamada ammaanka ayaa maalmahan ku soo dhameystiri doono baaritaannada ka dhanka ah tuhmanayaasha.
Waaxda dacwad soo oogidda ayaa maxkamadda magaalada Eldoret ka codsatay in eedeysanayaasha ay xabsiga ku jiraan labo toddobaad hasa ahaate waxaa taasi ka soo horjeestay qareenka u doodaya shakhsiyaadkan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo guddiga caalamiga ee garsoorayaasha ee (ICJ) qaybtiisa Kenya uu ku baaqay in la dardargeliyo baaritaannada ku aaddan falkii ka dhacay Uasin Gishu.
Sidoo kale saraakiisha waaxda dambi baarista ayaa dhacdadaasi su’aalo ka weydiiyay xildhibaanka deegaanka Soy Caleb Kositany, dhigiisa Kapsaret Oscar Sudi iyo guddoomiyaha golaha hoose ee ismaamulka Uasin Gishu David Kiplagat .