Mid ka mid ah wadayaasha mootooyinka oo fal afduub iyo kufsi u gaystay haweeney ajnabi ah oo gacanta lagu dhigay

0
551

Saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa gelinkii dambe ee shalay gacanta ku dhigay mid ka mid ah wadayaasha mootooyinka, kaas oo afduub iyo kufsi u gaystay haweeney ajnabi oo aan wali la shaacin dalka ay asal ahaan ka soo jeeda.
Eedeysanaha ayaa haweeneydan falkan kula kacay aroornimadii hore ee shalay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in tuhmanaha uu haweeneyda kaga tagay meel kayn ah oo ku taalla Ololua ee Ngong , ismaamulka Kajiado, ka dib markii uu falkan kula kacay.
DCI-da oo eedeysanaha magaciisa ku sheegtay Protas Onsongo, ayaa sheegtay in la soo qabtay xilli uu doonayay inuu baxsado.
Agaasinka waaxda dambi baarista ayaa dadka deegaanka uga mahadceliyay inay dhacdadan ku soo wargeliyeen laamaha ammaanka taasoo fududeysay in la soo xiro.
Dhanka kale waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa xubnaha bulshada ku wargelisay in cidii hayso maclumaad dhacdadan la xiriira ay soo wacaan nambarka ah 0800 722 203.