Xisbiga Jubilee oo doonaya in Ruto lagula xisaabtamo weerarkii lagu qaaday diyaaradii Raila

0
511

Mas’uuliyiinta sare ee xisbiga talada wadanka haya ee Jubilee ayaa dalbaday in madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto lagula x.aabtamo dhacdo dhawaan lagu bartilmaameedsaday diyaarad sidday madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Weerarkaasi oo dhagaxaan loo adeegsaday ayaa dhacay xilli uu Raila ismaamulka Uasin Gishu kaga qayb galayay aaska ganacsadihii geeriyooday ee Jackson Kibor.
Xoghayaha guud ee xisbiga Jubilee Jeremiah Kioni iyo agaasimaha doorashooyinka Kanini Kega ayaa dhacdadaasi ku tilmaamay mid nasiib darro ah.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in haddii falkaasi oo kale aan laga hor tagin ay suurtagal tahay inuu wadanka u horseedo isku dulqaad la’aan siyaasadeed ka hor doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Kioni ayaa madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto iyo si guud xisbiga UDA ugu baaqay inay xakameeyaan taageerayaashooda.
Hasa ahaate madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa cambaareeyay oo raali gelin ka bixiyay bartilmaameedsiga ka dhanka ahaa Raila isagoo laamaha ammaanka ku boorriyay inay gacanta ku soo dhigaan cid kasta oo dhacdadaasi ku lug lahayd.