DCI-da oo u yeertay mudanayaasha laga soo doortay deegaannada Soy iyo Kapsaret

0
530

Agaaasinka waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa u yeeray xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Soy Caleb Kositany iyo dhigiisa Kapseret Oscar Sudi.
Waxaa sidoo kale loo yeeray afhayeenka golaha hoose ee dowlad deegaanka Uasin Gishu David Kiplagat.
Mas’uuliyintan ayaa lala xiriirinaya inay gacan ka gaysteen weerar koox dhalliyaro ah ku qaadeen diyaarad nooca qumaatiga u kacdo oo uu saarna hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga.
Waaxda dambi baarista ee DCI-da, ayaa bayaan ay soo saartay gelinkii dambe ee shalay ku sheegtay in baaritaanno horudhac ah ay ku ogaadeen in saddexda hoggaamiye lagu eedeeyay inay abaabuleen oo isku dubarideen rabshadihii dhacay.
Waxaa madaxdan laga doonaya inay maanta hor tagaan isku duwaha waaxda DCI-da laanteed gobolka Rift Valley, si baartiaano loogu saameyo ku lug lahanshahooda weerarka lagu qaaday diyaaradda uu saarna ra’iisul wasaarihii hore ee dalka.
Koox dhallinyaro ah ayaa maalin ka hor dhagxaan ku tuuray diyaaradda uu watay Raila Odinga, taas oo ahayd nooca quumaatiga u kacdo ee helicopter.