Raila Odinga oo kaliya heysta afar maalmood inuu caddeeyo hadii u isu soo sharaxayo xilka madaxweynenimo ee 2022-ka

0
812

Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa heysta ilaa maalinka Jimcaha ee toddobaadkan inuu caddeeyo hadii markii shanaad uu isu sharaxayo xilka madaxtinimo ee doorashada guud ee sanadka dambe 2022-ka.
Mr. Odinga ayaa kaliya haysto afar cisho madaama wakhtiga guddiga doorashooyinka ee xisbiga ODM uu shaaciyay in codsiyada lagu soo gudbiyo uu ku egyahay 26-ka bishan.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee xisbiga ODM (NEB) Catherine Mumma oo waraysi siisay wargeyska maxaliga ee Nation ayaan bixin wax war ah oo ku saabsan codsiyada ilaa iyo hadda la soo gudbiyay.
Waxaa ay sheegtay inuu guddiga leeyahay koox u xilsaaran in la soo gudbiyo magacyada kuwa doonaya inay ku tartamaan tigidka xisbiga ODM islamarkaana wakhtiga kama dambeysta ah ka dib la falaqeyn doono si isku shaandeyn loogu sameeyo kuwa tartamaya.
Dhanka kale xoghayaha guud xisbiga ODM Edwin Sifuna, ayaa sheegay in guddoomiya ismaamulka Mombasa Cali Xasan Joho uu soo gudbiyay codsigiisa ku aaddan u tartamidda jagada madaxweynenimo ee tigidka xisbiga ODM.
Mr. Odinga ayaa meesha ka saaray suurtagalnimada ah in la taageero musharax kale oo beddelaya madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta, taasi oo muujineysa inuu ka mid noqonayo loolanka siyaasadeed ee 2022-ka.
Maalinkii Sabtida ayay ahayd markii Raila Odinga uu sheegay in aynan jirin cid ku leh deyn siyaasadeed.
Guddoomiyaha xisbiga ODM John Mbadi ayaa Raila ku tilmaamay shakshi aad ugu wanaagsan dhanka abaabulka sidaas awgeedna uu xilli kasta isbeheysi siyaasadeed sameyn karo.