Agaasimaha DCI-da oo sheegay inuu diyaar u yahay in xabsiga loo taxaabo

0
610

Agaasimaha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da Mr. George Kinoti ayaa sheegay inuu diyaar u ahaa in xabsi la dhigo, isagoo u daneynaya qaranka.
Hadalka agaasimaha DCI-da ayaa kusoo aadaya iyadoo bartamihii bishii 12-aad ee sanadkii hore ay maxkamadda sare ee dalka soo saartay amar lagu soo xirayo mas’uulkan, ka dib markii lagu helay dembi ah inuu dafiray amar maxkamadeed.
Mr. Kinoti ayuu qorshuhu ahaa inuu xabsiga wayn ee Kamiti ku soo qaato muddo afar bilood ah.