3 burcad ah oo xalay lagu xiray Nairobi

0
552

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in howlgal xalay laga sameeyay waddada Mombasa Road lagu xiray saddex qof oo looga shakisan yahay burcadnimo.
Shakhsiyaadkan ayaa la qabtay ka dib fal dhac ah oo ay u gaysteen rakaab saarnaa gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda oo ay ka qaateen taleefoonnada gacanta iyo waxyaabo kale oo muhiim ah.
Magacyada saddexda qof ayaa lagu kala sheegay Vincent Obongo oo 38 sano jir ah ah, Edward Kimani (22) iyo Maxamad Idi Ndote oo ay da’diisu tahay 27.
Waxaa dabagal dheer ka dib soo qabtay ciidamo roondo ka sameynayay wareegga ay baabuurta isku dhaafaan ee u dhow garoonka cayaaraha ee Nyayo stadium ee magaalada Nairobi.