Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Labo qof oo lagu qabtay Ismaamulka Isiolo

Labo qof oo lagu qabtay Ismaamulka Isiolo

Laamaha ammaanka ee ismaamulka Isiolo ayaa gacanta ku dhigay labo qof oo sitay qoriga nooca loo yaqaano AK47 ,128 rasaas ah iyo labo bambo gacmeed ah.
Shakhsiyaadkan ayaa gacanta lagu dhigay iyagoo ku sugan magaalada Merti ee ismamulka Isiolo.
Bayaan ka soo baxay waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa lagu sheegay in labada eedeysane oo lagu kala magacaabo Cabdi Fataax Ibraahim iyo Yuusuf Maxamad lagu soo qabtay howlgal ay xalay sameeyeen ciidamada aagaas .
Sida laga soo xigtay koox isku dhaf ah oo ah saraakiil ka kala socda waaxda DCI ee magaalada Merti iyo saldhigga booliska ee Yamicha , tuhmanayaasha ayaa lagu amray in ay istagaan balse waa ay ka dhaga adeegeen iyagoo baabuurkii ay wateen si xowli ah u kaxeeyay.
Dabagal dheeraad ah oo la sameeyay ka dib waxay labada qof ee la xiray ay rasaas ku fureen saraakiisha taasoo keentay in ay labada dhinac rasaas isweydaarsadaan ugu dambeyna ay tuhmanayaasha isa soo dhiibeen.
Sidoo kale baaritaan lagu sameeyay baabuurkii ay wateen ayaa lagu arkay agabka militari, labo ka mid ah taleefoonada gacanta iyo mindiyo.
Gaari kale ayaa la sheegay in uu baxsaday balse lagu daba jiro
Dhanka kale tuhmanayaasha la qabtay ayaa waxaa ku socdo su’aalo weydiin iyadoona waaxda burburinta qaraxyada iyo ciidamada booliska ee qaabilsan la dagaalanka argagixisada ay kiiskan gacanta ku hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments