Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidad howlaha qaranka Dr. Fred Matiangi ayaa si rasmi ah u furay kulanka 10-aad ee guddiga isku dubaridka arrimaha booliska caalamiga ee Interpol qaybtooda qaaradda Afrika.
Shirka ayaa lagu qabanayaa magaalada Nairobi sida ku cad qoraal uu wasiirku soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka.
Waxaa uu Matiangi hoosta ka xarriiqay in dowladda Kenya ay ka go’an tahay inay saaxiibadeeda gobolka iyo caalamka kala shaqeyso la tacaalidda khatarrada dhanka amniga ee soo kordhaya.
Qoraalka ayuu ku sheegay in caqabadaha ammaanka ay yihiin kuwo heer gobol ah sidaas awgeedna loo baahan yahay in lagu wajaho siyaabo laga wada siman yahay.
Matiangi ayaa soo jeediyay inay lagama maarmaan tahay in si isku mid ah loola dagaallamo falal dambiyeedyada ka gudba xuduudda ee saameynaya ganacsiga.
Honored to officiate the opening of the 10th meeting of the Steering Committee of the @AfripolA hosted in Nairobi.I reiterated to our regional & international partners from @INTERPOL_HQ of Kenya's commitment to build strong networks to better respond to emerging security threats. pic.twitter.com/DDnCE80B6Z
— Dr. Fred Matiang'i (@FredMatiangi) March 30, 2022