Ayax saameeyay qaybo ka mid ah ismaamulka Kajiado

0
697

Shacabka ku nool ismaamulka Kajiado ayaa cabasho ka muujinaya saameyn ka soo gaartay Ayax halkaas ku degay.
Dadweynaha ku nool tuulooyinka Ilmukutani, Selengei, Masimba iyo Lekisim ayaa sheegaya in Ayaxa uu ka xaalufiyay dhirta iyo daaqa.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in ay ka cabsi qabaan in deegaano kale uu u gudbo .
Guddoomiye xaafadeedka Ilmukutani James Lesinko ayaa sheegay in Ayaxa uu ka yimid dhanka ismaamulka Makueni.
Cayayaankan ayaa horay u saameeyay ismaamullada kale ee dalka sida Garissa, Mandera, Isiolo, Tana River, Lamu, Kilifi, Taita Taveta, Kwale, Machakos, Kitui, Embu, Meru, Tharaka Nithi, Samburu, Kirinyaga, Narok, Migori, West Pokot, Bungoma, Kakamega, Trans Nzoia iyo Turkana.
Wasiirka beeraha iyo xoolaha ee ismaamulka Kajiado Jackline Koin, ayaa sheegtay in hadii Ayaxa uu halkaas ku sii tarmo ay xaaladdu sii adkaan karto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here