Beeraleyda oo loogu baaqay inay taageeraan dib u habeynta shaaha

0
541

Wasiirka wasaaradda beeraha ee dalka Peter Munya ayaa beeraleyda u soo jeediyay in ay taageeraan dib u habeynta lagu sameynayo qaybta caleenta shaaha ee dalka.
Munya ayaa sheegay in dowladda ay horay balaayiin shilin ugu shubtay hay’adda horumarinta shaaha Kenya ee KTDA, si loogu dhiirigeliyo beerista caleenta shaaha.
Waxaa uu shaaca kaga qaaday in beeralayda ay heli doonaan gunnooyinkooda buuxa ka hor dabayaaqada bisha 7-aad ee sanadkan.
Hadalkan ayuu jeediyay xilli uu si rasmi ah xarigga uu ka jaray warshadda shaaha ee Ndarugu ee Koonfurta Gatundu, ismaamulka Kiambu.
Beeralayda ayaa loogu baaqay in ay ku kalsoonaadaan geeddisocodkan oo ay dowladda ku taageeraan dadaallada dib u habeynta loogu sameynayo qaybta shaaha.
Mr.Munya ayaa sheegay in ay jirto caddeymo ku filan sida ay uga go’an tahay dowladda in lagu abaalmariyo dadaalka beeraleyda.
Guddoomiyaha hay’adda horumarinta shaaha ee Kenya David Ichoho ayaa sheegay in beeralayda la siin doono lacag si ay caleenta shaaha u soo saaraan.
Wasiirka wasaaradda beeraha ee dalka Peter Munya ayaa mar kale ugu baaqay siyaasiyiinta inay fududeeyaan horumarka shaaha.
Dowladda dhexe ayaa dhaqaale dhan 1.2 bilyan oo shilin u qondeysay gunnooyinka beeraleyda soo saara shaaha.
Si kastaba ahaate wasiir Munya ayaa sheegay in dhoofinta caleenta shaaha ay saameyn ku yeelatay duullaanka uu Ruushka ku qaaday wadanka dariska la ah ee Ukraine, taas oo curyaamisay helitaanka suuqyada ay beeraleyda u dhoofinayeen caleenta shaaha.