Tirada meydadka ee ilaa iyo hadda laga soo saaray webiga Yala ee deegaanka Gem ee ismaamulka Siaya ayaa gaartay 29.
Tani ayaa timid ka dib markii la soo saaray labo meyd oo dheeraad ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in labada meyd la arkay iyagoo afka iyo wajiga looga duubay dhar iyo baco.
Dhacdan ayaa waxaa xaqiijiyay taliyaha saldhigga booliska ee Yala Charles Chacha.
Meydadka ayaa webiga Yala laga soo saarayay tan iyo bishii Tobnaad ee sanadkii hore.
Ilaa iyo hadda 12 qoys ayaa aqoonsaday meydadka ehelladooda oo ay ugu dambeyn aaseen.
Labada meyd ee ugu dambeeyay ee halkaasi laga soo saaray ayaa hadda yaalla goobta meydadka la dhigo ee degmada Yala.
Qaar ka mid ah shacabka deegaankaasi ayaa arrintan iyo walaaca ay ku beertay warbaahinta uga warramay.




