Busia: 4 arday ah oo loo xiray xatooyada imtixaanka KCSE

0
495

Ismaamulka Busia ee galbeedka dalka ayaa waxaa lagu xiray afar ka mid ah ardayda sanadkan sameeynaya imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da.
Ardaydan oo wax ka dhigta dugsiga sare ee St. Mary’s Bukhuyu ayaa lagu helay taleefoonnada gacanta oo ay ku keydsadeen macluumaadka imtixaanka.
Maaddooyinka imtixaanka ka hor lagu arkay ardayda ayaa ah Chemistry paper 3 iyo Biology paper 3 .
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo Busia Dr. Axmad Cumar ayaa sheegay in ardayda loo oggolaan doono inay imtixaanka sii sameeyaan balse si dhow isha loogu haynaya dhaqdhaqaaqooda.

Tani ayaa imaanaysa maalmo un ka dib markii wasiirka wasaaradda tacliinta Prof. George Magoha uu mamnuucay in taleefoonnafa gacanta lagu dhex isticmaalo goobaha imtixaanaadka ay ka socdaan.