Maxkamadda sare oo laashay dacwad laga gudbiyay waaxda dacwad oogidda

0
714

Maxkamadda sare ee dalka laanteeda magaalada Kabarnet ayaa waxba kama jiraan ka soo qaadday dacwad uu hor dhigay Okiya Omtatah oo ka mid ah shakhsiyaadka u ololeeya arrimaha bulshada iyo xuquuqul insaanka.
Waxaa uu Omtatah su’aal geliyay awoodaha dastuuriga ee uu agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda wadanka Nuurdiin Xaaji u leeyahay inuu amarro siiyo booliiska si ay u baaraan falal dambiyeedyada kala duwan.
Hasa ahaate garsoore Weldon Korir ayaa faahfaahiyay in Nuurdiin Xaaji uu awood u leeyahay inuu jiheeyo sidoo kalena maamullada ammaanka uu ka caawiyo baaritaannada isagoo ka dalbanaya inay warbixin u soo gudbiyaan.
Sidoo kale xaakinka ayaa xusay in taliyaha guud ee ciidamada booliska wadanka Mr. Hillary Mutyambai uunan lahayn awood uu eedeysane dacwad ugu soo oogi karo iyadoo aan oggolaansho laga haysan agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka.
Garsoore Korir ayaa ugu dambeeyn sheegay in go’aankii xaafiiska dacwad soo oogidda uu sanadkii 2019-kii ku soo saaray xeerar jiheynaya baaritaannada dembiyada uu ahaa mid sharci ah.