DHAGEYSO:Bungoma: Dad u dhintay khamri ay cabeen

0
628

Wararka naga soo gaaraya deegaanka hoose Kuamkia ee ismaamulka Bungoma ayaa sheegaya in 5 qof ay dhinteen ka dib markii ay cabeen daroogada nooca Khamriga ee sharci darrada ah.
Dadka ayaa ka hor inta aysan dhimanin dareemeen calool xanuun iyo daciifnimo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in laba qof oo kale ay haatan xaaladooda caafimaad ay aad u liidato.
Laamaha ammaanka ee dowlad deegaanka Bungoma ayaa haatan wado baaritanno ku aadan dhacdadan sababtay geerida 5-ta qof.
Qaar ka mid ehellada dadkii ku nafwaayay cabidda Khamriga ayaa la hadlay warbaahinta.