Darawalkii waday dhakhaatiirtii Cuba oo ay Al-Shabaab ka afduubteen Mandera oo xabsi daa’in lagu xukumay

0
564

Waxaa maanta xabsi daa’in lagu xukumay darawalkii hore ee dowladda ismaamulka Mandera Issaaq Ibrein Robow.
Waxaa lagu helay dambi ah inuu fududeeyay afduub loo gaystay dhakhatiir u dhashay dalka Cuba oo bishii afaraaad ee sanadkii 2019-kii laga qafaashay dowlad deegaanka Mandera.
Warbaahinta maxalliga ee Cetizen ayaa ku warrameysa in maxkamadda xukunkan soo saartay ay darawalka ku heshay dambi ah inuu gacan ka siiyay kooxdii afduubatay dhakhaatiirta, xilligaasi oo uu waday gaarigii ay howlwadeenada caafimaadka saarnaayeen.
Dhakhaatiirtan oo u dhashay dalka Cuba ayaa lagu kala magacaabi jiray Dr. Assel Herera Correa iyo Dr ,Landy Rodriguez.
Marka laga soo tago afduubka dhakhaatiirta waxaa falkaasi lagu dilay askari lagu magacaabi jiray Mutundo Kitambo oo dhakhaatiirta ilaalo u ahaa.
Issaaq Ibrein Robow ayaa dhanka kale lagu waayay eedeyn ahayd in uu si been abuur ah ku helay aqoonsiga wadanka.
Eedeysanaha oo adeegsanaya qareenkiisa ayaa dhanka kale codsaday inuu xukunkan racfaan ka qaato.
Mr. Ibrein ayaa la sheegay in 12-kii bishii afaraad ee sanadkii 2019-ka uu dhakhaatiirta ku wareejiyay kooxaha argagixisada, xilli ay ku wajahnayeen isbitaalka wayn ee ismaamulka Mandera oo ay ka shaqeynayeen.
Labada dhakhtar oo u dhashay dalka Cuba oo kooxda Al-Shabaab afduubatay ayaa, muddo sannad ka badan lagu haystey gudaha dalka Soomaaliya, bishii Oktoobar ee sannadkii 2020-ka ayaa la soo sii daayay , ka dib wada hadallo socday dhowr bilood.
Dhakhaatiirta la afduubay ayaa ka mid ahaa 100 khabiir oo caafimaad oo ka soo jeeday Cuba islamarkaana Kenya soo gaaray bishii June ee sanadkii 2018-kii.
12-kii bishii Afaraad ee sanadkii 2019-kii ayay eedeysanaha ismaamulka Mandera ka soo qabteen ciidamada booliska ee qaabilsan la dagaalanka argagixisada ee (ATPU) waxaana labo cisho ka dib loo soo qaaday magaalada Nairobi si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo oo dacwad loogu soo oogo.