William Ruto oo siyaasiyiinta ugu baaqay in ay qorshahooda ka dhaadhiciyaan shacabka

0
472

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa maanta xilli uu ku sugnaa ismaamulka Kakamega ee galbeedka wadanka sheegay in madaxda siyaasadeed aan looga baahneyn in ay ku tiirsanadaan in ay is taageeraan balse looga baahan yahay in qof kasta oo xil doon ah uu qorshahiisa ka dhaadhiciyo codbixiyaasha.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in siyaasiga laga doonayo in barnaamijkiisa uu dadweynaha ka gado.
Ruto ayaa hadalkan kaga jawaabayay mid ka soo yeeray madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo ahaa in sanadka 2022-ka uunan taageri doonin saaxiibadii ay horay uga wada tirsanayeen isbeheysiga NASA.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa Kenyaanka ku boorriyay in ka hor doorashada guud ee sanadka 2022-ka ay qiimeeyaan waxqabadka siyaasiyiinta doonaya in wadanka ay hoggaamiyaan.
Sidoo kale cid kasta oo uu tartan siyaasadeed kala dhexeya ayuu Ruto kula taliyay in ay ka fogaato siyaasad qabyaalad ku saleysan oo la adeegsado waxyaabaha taabanaya nolosha shacabka