NTSA oo baaraysa fadeexad la xiriirta bixinta leesimada gaadiidka

0
649

Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee (NTSA) ayaa sheegaya inuu guda galay baaritaano ku saabsan qaabka loo bixiyo leesimada noocyada kala duwan ee gaadiidka.
Tani ayaa timid ka dib markii warbixin ay sameysay warbaahinta BBC lagu soo bandhigay in nidaamkan uu yahay mid aan loo fulin qaabka habboon.
Madaxa kormeeridda gawaarida ee NTSA Gerald Wangai ayaa sheegay in waaxda dambi baarista ee maamulkan uu dabagal ku sameynaya dhaliilaha jira.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tallaabo adag oo sharciyeed laga qaadi doono cidii lagu caddeeyo inay qaab daneysi ah ku bixisay leesin.
BBC ayaa dabagalkeeda shaaca kaga qaaday inay jiraan shakhsiyaad la iska siiyo leesimada lagu wado baabuurta iyagoo aan marin tababarka laga doonayo.