Gadiidleyda oo looga digay inay adeegsadaan waddada Nairobi Expressway ka hor inta si rasmi ah loo furin

0
832

Dowladda dhexe ayaa gaadiidleyda caasimadda uga digtay inay adeegsadaan waddada wayn ee Nairobi Expressway, ka hor inta aan si rasmi ah loo furin.
Digniintan ayaa ku soo aadeyso, ka dib markii ay soo baxeen warar lagu faafiyay baraha bulshada ku wada xiriirto oo sheegaya in waddadii sida aadka ah loo sugayay si ku meel gaar ah loo furay, islamarkaana si lacag la’aan loo adeegsan karo ilaa 31-da bishan.
Maamulka qaran ee waddooyinka waawayn ee KeNHA ayaa sheegay in waddada wayn ee Nairobi Expressway aanan wali loo furin dadweynaha.
Bayaan uu maamulkan soo saaray ayuu ku beeniyay wararka la faafiyay.
Waxaa uu intaasi ku daray in shacabka caasimadda lagu wargelin doono marka dhismaha waddadan la dhammeeyo.
Maamulka ayaa sidoo kale dadweynaha ugu baaqay in ay isdejiyaan maadaama dhismaha waddada wayn ee Nairobi Expressway ay gabogebo ku dhowdahay.
Waddadan ayaa lagu wadaa in si rasmi ah la furo bisha Afaraad ee sanadkan, si dadweynaha ay u adeegsadaan.
Mashruuca waddada wayn ee Nairobi Expressway ayaa waxaa bishii Tobnaad ee sanadkii 2019-kii daahfuray madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Waddada Nairobi Expressway oo dheerarkeedu yahay 27.1 kiilomitir, ayaa ka soo billaabaneyso degmada Mlolongo ee ismaamulka Machakos, iyadoo soo mareyso gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ilaa bartmaha caasimadda.
Waxaa dhisidda waddadan loo adeegsaday dhaqaale dhan 73.5 bilyan oo shilin.
Marka la furo , waxaa gaadiidleyda isticmaalaya laga qaadi doonaa 100 ilaa 1,550 oo shilin.