DHAGEYSO:Masjidka 6-ka ee Islii oo la furay markii dib loo dhisay

0
879

Waxaa shalay si rasmi ah loo furay qaybta koowaad ee masjidka Abuubakarru-Siddiiq ee waddada 6-ka ama lixaad ee xaafadda Islii , ee deegaanka Kamukunji magaalada Nairobi oo dib u dhis lagu sameeyay.
Munaasabadda furitaanka qaybta 1-aad ee masaajidka ayaa waxaa ka qayb galay Sheekh Maxamad Cabdi Umal oo ka mid ah maamulka masjidkaasi , xildhibaanka deegaanka Kamukunji Yuusuf Xasan Cabdi, wakiilka deegaanka hoose ee waqooyiga Islii Cismaan Caddow Ibraahim iyo guddoomiyaha guddiga ganacsatada ee Islii Xaaji Axmad Yare oo halkaasi hadallo ka jeediyay.