Madaxda Garissa oo cambaareeyay dil saaka dhacay

0
1264

Barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay falalka amni darro ee ku soo badanaya ismaamulkaasi.
Waxaa uu si kulul u cambaareeyay dhacdo dab lagu qabadsiiyay baabuur xamuul siday oo ku wajahnaa degmada Xuluugho ee dowlad deegaankaasi.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayuu guddoomiyaha ku sheegay in gaarigaasi ay gubeen Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaa uu cambaareeyay dhaawac uu sheegay in shalay ciidamada booliska ay u gaysteen dad dibadbaxayay.
Cali Bunow , barasaabka Garissa ayaa sidoo kale sheegay inuu la qalbi jabay dhacdo saaka qof lagu dilay Garissa guriyana lagu gubay arrimo dhul awgood sida uu qoraalka ku sheegay.
Waxaa uu u tacsiyeeyay qoyska uu baxay Tawane Caddow isagoo xusay inuu madaxda amniga ee Garissa ka dalbaday inay baaritaannada soo gabagabeeyaan si gacanta loogu soo dhigo oo ay caddaaladda u wajahaan shakhsiyaadkii falkaasi ka dambeeyay.
Guddoomiyaha Garissa ayaa cid kasta oo xog ka haysa arrintan ka codsaday inay la wadaagto laamaha ammaanka.
Waxaa uu sidoo kale shacabka ku nool Garissa ku boorriyay inay nabadda ku dadalaan , ay isku dulqaataan oo ay iska ilaaliyaan aargoosiga.
Saraakiisha booliska ayuu barasaabka Garissa kula taliyay inaysan awood xad dhaaf ah adeegsan marka ay la tacaalayaan xaaladaha kacsan.
Waxaa farriin cambaareyn oo arrintan ku aaddan sidoo kale soo saaray barasaab ku xigeenka Garissa Cabdi Dhaqane Muxumad.
Saraakiisha ammaanka ayuu ugu baaqay inay dilka dhacay si qoto dheer u eegaan oo ay xaqiijiyaan inay dhibanayaasha caddaalad helaan.
Dadweynaha ayuu ku boorriyay inay is dejiyaan oo ayna ka waantoobaan waxa uu ku tilmaamay gacan ku qaadashada sharciga.
Xildhibaannada laga soo doortay deegaanka Ijara ee ismaamulka Garissa Safiya Cabdi Nuur ayaa iyadana geeridaasi ka tacsiyeeysay.
Waxay hoosta ka xarriqday in dilka uu aroornimadii hore ee maanta ka dhacay aagga loo yaqaano Kunaso ee waddada ringroad
Waxay si gaar ah wasiirka arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi iyo madaxda kale ee ammaanka uga codsaday inay si go’aan leh wax uga qabtaan falalka amni darro ee Garissa.
Xildhibaannad Safiya ayaa qoraalkeeda ku sheegtay inay qasab tahay in la helo xal kama dambeys ah.