Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa hoggaamiyaha wadanka Uhuru Kenyatta ka codsaday inuu meesha ka saaro taageerada siyaasadeed ee uu u muujinaya ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga.
Waxaa uu xusay in xita haddii uunan Uhuru diyaar u ahayn inuu garab siiyo musharraxnimada Ruto looga baahan yahay keliya inuusan kala safan musharraxa ay is hayaan.
William Ruto ayaa ku celceliyay in kastoo uu muddo dheer soo dhisayay madaxweynaha haddana hoggaamiyaha wadanka uu xor u yahay garabka siyaasadeed ee uu taageerayo balse aynan isaga iyo xafiiskiisaba sumcad u ahayn sida uu hadalka u dhigay eexasho siyaasadeed.
Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa dhanka kale rajo wanaagsan ka muujiyay inuu si fudud tartanka madaxtinnimo ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan uu uga adkaan doono Raila Odinga
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:William Ruto oo madaxweynaha dalka ka codsaday inuu ka dhex baxo isaga...