Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay 36 oo ka mid ah shakhsiyaadka sida weyn u isticmaalo baraha ay bulshada ku wada xiriirto.
Waxaa uu guddiga sheegay in shakhsiyaadkan ay barahooda bulshada soo dhigaan qoraallo ku saabsan hadallo naceyb ah, iyadoo doorashada guud ay inaga xigta wax ka yar 5 bilood.
Guddiga NCIC ayaa intaasi ku daray in dadkan ay xiriir la leeyihiin isbehyesiyada siyaasadeed ee Azimio La Umoja iyo Kenya Kwanza.
Guddoomiyaha guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC Samuel Kobia ayaa sheegay, in 36-da qof oo aan magacyadooda la shaacin ay caan ku yihiin in barahooda ay ku faafiyaan farriimaha nacaybka.
Waxaa uu intaasi ku daray in shakhsiyaadkan uu guddiga si dhow isha ugu haya, islamarkaana baaritaanno lagu wado, iyadoona ujeedadu tahay in la horgeeyo maxkamadda.
Isbeheysiyada Azimio iyo Kenya Kwanza ayaa waxaa kala hoggaamiya madaxa xisbiga ODM Raila Odinga iyo ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto.
Mr. Kobia ayaa dhanka kale xusay in 9 ka mid ah 36-da qof la horgeeyay maxkamadda, si ay uga jawaabaan eedeymaha loo haysto ee la xiriira hadallada naceybka ay barahooda intarneetka ku daabacaan, halka 27-da kale sharciga la horgeyn doono ka dib marka la soo gabagabeeyo baaritaannada lagu hayo.
Waxaa uu sheegay in marka uu guddiga NCIC uu soo gabagabeeyo baaritaannada ay magacyada shakhsiyaadkan soo bandhigi doonaan.
Kobia ayaa intaasi ku daray inay ku dadaali doonaan in meesha laga saari doono akoonnada ay ku leeyihiin baraha bulshada.
Guddiga NCIC ayaa bishii hore calaamadeeyay 25 ismaamul oo laga yaabo in ay ka dhacaan rabshado ka hor xilliga doorashada iyo ka dib.