Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Natiijada KCPE oo la shaacin doono isbuuca dambe

Natiijada KCPE oo la shaacin doono isbuuca dambe

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in toddobaadka soo socdo shaaca laga qaadi doono natiijada imtixaanka fasalka Siddeedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da.
Imtixaankan oo ah sanad-dugsiyeedkii 2021-ka ayay ardayda u fariisteen intii u dhexeysay 7-dii ilaa 9-kii bishan.
Wasiir Magoha ayaa xilli uu warbaahinta kula hadlay xaafadda Kayole ee Nairobi sheegay in saxidda warqadaha ay ardayda uga jawaabeen su’aalaha ay gabagabo tahay.
Imtixaankan ayaa waxaa sameeyay arday dhan 1.2 milyan oo ku sugnaa 28,248 xarumood guud ahaan wadanka.
Waxaa imtixaanka kormeerayay 242,406 ah macallimiin uu u xilsaaray guddiga adeegga macallimiinta ee TSC.
Ardayda imtixaanka ku guulaysta ayaa lagu wadaa inay bisha Shanaad ee sanadkan ku biiraan fasalka koowaad ee dugsiyada sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments