DHAGEYSO:Wadayaasha mootooyinka ee xaafadaha Nairobi oo labisyo gaar ah loo yeelayo

0
463

Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi Ann Kananu ayaa sheegtay in wadayaasha mootooyinka ee ka howlgala xaafadaha kala duwan ee caasimadda dalka, dhawaan looga baahnaan doono inay labisyo gaar ah yeeshaan.
Waxaa ay xustay in tallaabadan ay gacan ka gaysan doonta xakamaynta kororka dambiyada oo waaxdaan inta badan lagu eedeeyo.
Baraasaabka magaalada madaxda wadanka ayaa soo hadal qaadday dhacdadii dhawaan gabadh ka xaynaysay baabuur loogu xadgudbay xilli ay maraysay waddada Wangari Mathai ee magaalada Nairobi.
Mrs.Kananu ayaa sheegtay in wadayaasha mootooyinka ee xaafad kasta ee Nairobi ka tirsan ay yeelan doonaan midabyo gaar ah si ay u kala soocmaan.
Waxaa ay intaasi ku dartay in kulan ay la yeelatay waaxyaha mootooyinka lagu go’aamiyay in la fududeeyo howlahooda si kor loogu qaado noloshooda.
Ugu dambayntii waxa ay ka codsatay wadayaasha mootooyinka inay ilaaliyaan anshaxa iyo shuruucda waddooyinka, si looga hor tagga waxa ay ku tilmaantay dhaqamada aan la jeclaysan.
Mar ay arrimahan ka hadashay ayay tiri