Xarunta madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House ee magaalada Nairobi ayaa beenisay inuu jiray kulan la sheegay inuu madaxweynaha dalka la yeelan lahaa siyaasiyiinta ka soo jeedo gobolka bartamaha dalka.
Afhayeenka madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House, Kanze Dena ayaa ku tilmaantay warkan mid been abuur ah oo marin habaabin ah.
Qoraal ay soo dhigtay barta rasmiga ee Twitter-ka ee madaxtooyada State House, ayay ku caddeysay inaynan ka warqabin kulan noocaas ah.
Kanze ay intaasi ku dartay in madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uunan casuumaad u dirin siyaasiyiinta ka soo jeedo gobolka bartamaha wadanka, sidoo kalena uunan jirin kulan uu madaxdan siyaasadeed la qaadan lahaa.
Qaar ka mid ah warabaahinnada maxalliga ee dalka ayaa maanta ku warramay in hoggaamiyaha dalka ugu sarreeya Uhuru Kenyatta u dib u dhigay kulan lagu waday inuu berri ka dhaco xarunta madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House ee magaalada Nairobi.
Spokesperson's Office
State House, Nairobi17th March 2022
Misleading information on a purported meeting between President Kenyatta and Central Kenya leaders
Read more: https://t.co/1qV1hbgYaS pic.twitter.com/4OY6wLskIP
— State House Kenya (@StateHouseKenya) March 17, 2022