Raila oo maanta la kulmaya qurba joogta kenyaanka ah ee ku nool Ingiriiska

0
753

Madaxa xisbiga ODM ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio Raila Odinga oo safar ku joogo Ingiriiska ayaa maanta lagu wadaa inuu la kulmo qurba joogta kenyaanka ah ee ku nool UK.
Sida laga soo xigtay afhayeenka Odinga , Dennis Onyango waxaa madaxa ODM safarkiisa ku wehelinaya mas’uuliyiin badan oo ay ka mid yihiin barasaabka Mombasa Cali Xasan Joho , Charity Ngilu oo ah guddoomiyaha ismaamulka Kitui, xildhibaanka bariga Suna Junet Maxamad , mudanihii hore ee Gatanga Peter Kenneth, xoghayaha guud ee dalladda ururrada shaqaalaha ee COTU Francis Atwoli iyo madaxii hore ee adeegga dadweynaha Sally Kosgey .