DHAGEYSO:Siyaasiyiinta Jubilee oo doonaya inuu is casilo madaxweyne ku xigeenka dalka

0
586

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka tirsan xisbiga talada wadanka haya ee Jubilee ayaa madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ka dalbaday inuu xafiiska banneeyo.
Waxay ku eedeynayaan inuu u muuqdo qof isaga baxay dowladda oo hoggaaminaya garab kale oo siyaasadeed.
Xoghayaha guud ee Jubilee Jeremiah Kioni, ayaa sheegay in hadii Ruto uunan ku qanacsanayn ka mid ahaanshaha hoggaanka sare ee dowladda dhexe uu xor u yahay inuu is casilo.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay hadallo uu maalmo ka hor madaxweyne ku xigeenka Kenya ka jeediyay Ingiriiska oo uu dowladda ku dhaliilay.
Xoghayaha Jubilee ayaa ku doodaya in madaxweyne ku xigeenka dalka uunan muddo afar sano ah qaban waxqabad muuqda marka laga reebo ololihiisa siyaasadeed.
William Ruto ayaa horay ugu gacan seyray baaqyo ku aaddan inuu is casilo wuxuuna sheegay in isaga iyo madaxweynaha hal mar ah la wada doortay sidaas awgeedna muddo xileedkoodu uu isku mar dhammaanaya.
Qaar ka mid ah xildhibannada xisbiga Jubilee ee ka tirsan isbeheysiga higsiga mideynta ee Azimio La Umoja, sida mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Kamkunji oo ay xaafadda Islii ka tirsan tahay ee magaalada Nairobi Yuusuf Xasan iyo wakiilka haweenka ee ismaamulka Samburu Maison Leshoomo ayaa waxa ay ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ugu baaqeen inuu iska casilay xilka uu ka haya dowladda si uu fursad ugu helo ololihiisa doorasho