Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa xilli uu ku sugnaa suuqa Kenyatta ee magaalada Nairobi dadweynaha u sheegay in aflagaado kasta oo loo gaysto aynan wax saameyn ah ku yeelan doonin waxqabadkiisa.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in haddii ay jirto kala duwanaansho dhanka aragtida siyaasadeed ah loo baahan yahay in la wada hadlo iyadoo la adeegsanaya luuqad sida uu hadalka u dhigay isqadarin ku saleysan.
Madaxweynaha ayaa shacabka uga digay in siyaasiyiinta xilal doonka ah ay isku diraan si ay kala qaybsanaan uga dhex abuuraan.
Uhuru Kenyatta waxaa uu tusaale u soo qaatay heshiiskii ay sanado ka hor gaareen isaga iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Waxaa uu ku celceliyay sababta uu dhawaan u taageeray musharraxnimada madaxweynenimo ee Mr. Odinga ay tahay inuu doonayo maamul dowladeed oo dhameystira mashaariicda horumarineed.
1/3 President Uhuru Kenyatta has said no amount of abusive language will deter him from working to ensure the country is peaceful and united under the spirit of the “handshake”. pic.twitter.com/xbpkwbanHt
— State House Kenya (@StateHouseKenya) March 16, 2022
3/3 The market is set to receive a major facelift to provide traders with improved workspaces and enable customers to enjoy better services. pic.twitter.com/FpaM37GomL
— State House Kenya (@StateHouseKenya) March 16, 2022