Madaxa xisbiga ODM ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio Raila Odinga ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in xilliga lagu guda jiro doorashada guud aysan carqaladeyn dadaallada soo kabashada dhaqaalaha ee wadanka.
Raila oo arrintan ka hadlay isagoo ku sugan Ingiriiska ayaa sheegay in Kenya ay ku qasban tahay inay ka faa’iidaysato fursadda dib u soo nooleynta dhaqaale ee ka dib cudurka Covid19.
Waxaa uu xusay in loo baahan yahay in la hubiyo muddada doorashada guud lagu guda jiro inaysan carqaladeyn dadaallada socda ee lagu soo nooleynayo dhaqaalaha Kenya.
Mr. Odinga oo la kulmay ergeyga ganacsiga ee ra’iisul wasaaraha UK ee dalka Kenya Ms.Theo Clerk, ayaa dhanka kale sheegay in Kenya ay ku dadaali doonto sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istiraatijiyadeed ee kala dhexeya dalalka kale ee caalamka oo ay boqortooyada Ingiriiska qayb muhiim ah ka tahay.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa 10 xildhibaan oo ka kala tirsan labada aqal ee xeer dejinta ee UK.
Hoggaamiyaha xisbiga ODM ayaa carrabka ku dhuftay in Kenya iyo UK ay leeyihiin xiriir soo jireen ah oo wanaagsan.
Waxaa uu xusay in boqortooyada Ingiriiska oo xubin ka ah dalalka barwaaqo sooranka ee Commonwealth, ay taasi Kenya u tahay fursad ay uga faa’iidaysan karto ganacsiga gaar ahaan qaybaha beeraha iyo sidoo kale shaqo abuurka.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sidoo kale sheegay in soo nooleynta dhaqaalaha Kenya ay tahay ajandahooda ugu muhiimsan.
Waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa madaxda ugu sarreysa dowladda UK islamarkaana uu kala hadli doono arrimaha ganacsiga, maalgashiga, horumarka, siyaasadda, amniga iyo xaaladda gobolka.
Waxaa safarkiisa boqortooyada Ingiriiska ku wehelinayaan barasaabka ismaamulka Mombasa Cali Xasan Joho dhigiisa Kitui Charity Ngilu ,xildhibaanka bariga Suna Junet Maxamad, guddoomiyaha Nakuru Lee Kinyajui iyo xildhibaankii hore ee deegaanka Gatanga Peter Kenneth.
Waxaa sidoo kale safarkiisa 5-ta cisho dib uga soo biiraya xoghayaha guud ee dalladda ururrada shaqaalaha ee COTU Francis Atwoli.
As we grapple with the economic ravages of COVID-19, we should take it as an opportunity for an economic renaissance.
We need to build back better and ensure that the electioneering period does not disrupt the ongoing efforts to revive the economy. 1/2 pic.twitter.com/oGUH94amMr
— Raila Odinga (@RailaOdinga) March 16, 2022
This formed the basis of our discussion at the House of Commons with UK Prime Minister Boris Johnson’s trade envoy to Kenya, @theodoraclarke.
The meeting was also attended by 10 members from both Houses of Parliament. 2/2 pic.twitter.com/LIgHajsMIu
— Raila Odinga (@RailaOdinga) March 16, 2022