Kalonzo Musyoka oo sheegay in meel walbo uu u taagi doono u ololeynta Raila

0
341

Hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa sheegay in uu dalka oo dhan soo mari doono si uu shacbiyad ugu raadiyo musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio ahna madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Kalonzo oo wareysi gaar ah siiyay teleefishinka maxalliga ee KTN ayaa sheegay inuu ku taageeri doono Raila Odinga inuu ku fadhiisto kursiga madaxweyne ee doorashada guud ee bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Tani ayaa ku soo aadeyso ka dib markii dhawaan uu saxiixay heshiis isbeheysi oo uu ugu biiray isbeheysiga higsiga mideynta ee Azimio La Umoja.
Waxaa uu intaasi ku daray in si wayn looga tashaday in meel la iska dhigo hammiga gaarka ah oo loo soo jeysto arrimaha qaranka.
Kalonzo ayaa sheegay in sababto uu Raila uu tageerrayo ay tahay danta dalka.
Hoggaamiyaha xisbiga Wiper ayaa sidoo kale beeniyay sheegashada ah in uu la wareegayo hoggaanka kooxda Azimio la Umoja inta uu Odinga dalka ka maqan yahay, isagoo sheegay in uu diiradda saari doono u ololeynta isbeheysiga.